Waxaa dhawaalahan socday qorshe Qabanqaabo shir lagu qabanayo
Magaaladda Madaxda Taleex ,Shir waynaha ayaa loogu talo galay in lagu
dhiso Maamulkii rasmigga ah oo xilka kala wareeggi lahaa Maamulka hadda
ka jira Degaanadda Khaatumo kaas oo uu Waqtiggiisu gabaabsi yahay.
Waxaana Siddaas laga Sheegay Shir ah dhinaca qadka Telefoonadda
(Teleconferece) oo ay ka soo qayb galeen qayb galeen Dad badan oo ka mid
ah Qurbo joogta Reer Khaatumo Ee suggan Dibadda.
Maamulkan ayaa Waxaa sidda lagu wado yeelan doona Baarlamaan,
Dastuur, Wasiiro iyo Hal Madaxwayne,sidda ay sheegeen Qubaradda qaban
qaabinaysa Shirkan.
Maamulkan ayaa Waxaa Siddaas oo kale noqon doonaa Maamul Koobaan oo
tayo leh oo ahna ( Cost Effective) oo uu qarashkiisu yar yahay.
Shirkan ayaa Waxaa ka hadlay Guddigga Fulinta Degaanadda
Khaatumo(G11), Golaha Madaxtooyadda/ Seddex Madaxwayne Ee Degaanadda
Khaatumo, kuwaas oo aad u soo dhawaayey Shirkan Maamul Samaynta
Degaanadda Khaatumo, Waxayna Sheegeen in Diyaar u yihiin in ay Qayb
qaataan Qaban qaabadda Shirkaas,Siddaas oo kalana Diyaar u ah Ciddii la
soo doorto in ay ku Wareejiyaan Maamulkan.
Madaxda Guddigga Fulinta Ee loo yaqaan G11 ayaa Waxaa aad ugu hadli
hadleen Xilliggan Sidda ay laga maarmaan u tahay in Wixii la bilaabay Ee
ahaa Maamulka Khaatumo in Meel la gaarsiiyo ay Waajib ina wada Saaran
tahay,Waxayna Sheegeen Mudadii uu dhisnaa Maamulka in wax badan Xagga
Siyaasadda iyo Arimaha Dibadda uga qabsoomeen Balse howl badan ay wali
ka dhiman tahay.
Xildhibaan’ Professor Cali Khaalif ayaa aad uga digay ” in Dadka Reer
Khaatumo ay ku noqdaan wixii laga soo gudbay iyo Kala qaybsanaan kuna
dhiiri galiyay in Shirkaas laga soo qayb galo, Wadankiina sidda ugu
dhaqsaha badan loo soo galo”.
Dhaliisha Siyaasadda.
Jaaliyadda iyo Muwaadhiniinta Reer Khaatumo Oo ah kuwa taageera
Maamulka ayaa Waxay aad u dhaliilsan yihiin Wixii Maamulka intuu jiray u
qabsoomay, Waxayna ka dalbadeen in Maamulka Khaatumo Ulajeedadii loo
dhistay ahayd in uu gacanta ku soo celiyo Degaanadda Maamulka Khaatumo
balse Maamulku uu ku guul daraystay arintaas,waxayna uga digeen in
Madaxda iyo Siyaasiyiinta Khaatumo ayyan ku Mashquulin Siyaasadda oo loo
soo wada jeesto Siddii Wadanka Gacanta looggu dhigi lahaa
Dhinaca kale”
Maamulka Siilaanyo ayaa Wuxuu ku soo qaaday Degaanka weerar
Siyaasadeed iyo Dagaal Maskaxeed ay ku kala qaybinayaan Cududa iyo
Midnimadda Dadka Degaanka iyagoo adeegsanaya Horgalayaasha.
Xirsi Gaab oo ah Ninka Siilaanyo Dilaalka ugu ah Degaanadda Khaatumo ayaa wuxuu ku caanbaxay Laaluushkaa Horgalayaasha.
Sidda ay Sheegayaan Wararka ku dhow-dhow Xirsi Gaab ayaa Sheegaya in
uu ka shaqeeyo in uu Dilaalo Horgalayaasha ka dibna ka dhiga in Maamulka
Khaatumo lagu kala tagay siddaas uu isleeyahay Waxay wiiqaysaa Awoodda
dadka Maamulka Khaatumo ama jahawareer iyo Ceebayn ku keenni kartaa
Siyaasadda iyo Sumcadda Dadka iyo Degaanka.
Xirsi Gaab ayaa dhawaan Wakiil raacsan Siyaasadda gooni-goosadda oo
kana soo jeedda Degaanka Gobolka Sanaag u balan qaaday 50,000 oo Doller
oo lacag ah Haddii uu la yimaaddo Shan boqol oo Ciidan ah.
Waxaana la sheegay in Dhawaalahan oo dhan Ninkaas in uu Ciidan ka mid ah Beesha uu ka soo jeeddo ka qoranaya
Degaankaas,Waxuuna ku Wareejiyay Ciidankaas Jabhadda Somaliland.
Xirsi Gaab iyo Horgale in Uur-beyte ayaa Waxay Saxaafadda Isagga been
fureen in Ciidankan uu Wada yahay Ciidan ka soo goostay Khaatumo, Walow
Qaar ka mid ah la Sheegey in u Soo Gurmadeen Dagaalkii Xudun.
Arintan Waxaa dhaleeceeyay Madaxwayne Karaash oo ku sheegey in aan
laga hadhi doono labo baabuur oo uu sheegay in lagala baxdasaday oo ay
la baxsatay Beesha uu ka soo jeeddo Horgale In Uur bayte.
Madaxda Khaatumo ayaa aad si kulal uga hadashay arintan iyaggoo sheegay in arintan si deg deg ah wax loogga qaban doono.
No comments:
Post a Comment