Monday, July 15, 2013

Shir Lagu Ansixinayay Golaha Deegaanka Buuhoodle Ee maamulka Khaatumo Oo ka dhacay Magaalada Buuhoodle

Shir balaadhan oo ay isigu yimaadeen odayaasha dhaqanka, waxgarad, aqoonyahano,iyo masuuliyiin kasocta maamulka khatumo oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaradda arimaha gudaha ee maamulka khaatumo yasiin axmed sulub, iyo agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha maxamud shiikh cumar ayaa waxuu kadhacay gudaha magaalada buuhoodle
shirkaas oo ahaa kii sadexaad ayaa waxaa lagu ansixinayey golaha deegaanka ee degmada buuhoodle
waxa ayna ka koobanyihiin golaha deegaanku 27 xubnood oo isigu jira 24rag ah iyo 3haween ah kulankan ayaa waxa uu soconayey muddo saddex casho ah oo la isla lafagurayey sidii degmada loogu samayn lahaa goledeegaan
shirkaan yaa wuxuu kusoo idlaaday si wanaagsan
golahan deegaanka ayaa lafilayaa in ay iska dhex doortaan duqa degmada buuhoodle iyo xoghayaha dowlada hoose.

No comments:

Post a Comment