Monday, July 15, 2013

Ha La Tukado La Isku Raacye, Yaan Qiblada La Isku Khilaafin {MAQAAL XIISO BADAN}

Beryahanba waxa seefta bannaanka soo dhigay Garaad Saleebaan Garaad Mohamed ka dib marku arkay xaalada beesha Ugaadhyahan ee uu Garaadka Guud u yahay oo u muuqata mid khataro badani la derseen. Wuxu Garaadku ku baaqay shir beelweynte Ugaadhyahan isugu timaado.
La maqal lana oofindoone shirka Garaad Saleebaan Garaad Mohamed iclaanshay haddii rabbi garto, inkastoo cabsi badan ka jirto la isna weydiin doono,

1.     Kuwi quluubta lagaga beeray haddii Ugaadhyahan shiro waa Khaatumo dumis ama dan Dhulbahante dumis, ma yeeli doonaan ma iman doonaan ma taageeri doonaan?
2.     Kuwa Ugaadhyahan ee la rabo inay dan isla qaataan ma ahaayeen kuwo aan aqoon u lahayn waxa dani reerka uugu jirto? Mise waxay ahaayeen kuwo u badheedhay qallooca? Haddiise badheedhe xaal aha maxa shir-ka bedeli doona?
3.     Aan xorayno degaanke yaa xukumi? Ma Khaatumo mise PL mise SNM? Mise maamul cusub oo Ugaadhyahan oo la sameeyo? Mase suuragal noqonaysa intaba?
4.     Haddii intaba maya loo daayo iyo haddii mid ahaan la isla garto, ma aqbali doonaan kuwa xilalka sare ama tuubada ka nuugaya labada maaumul ama kuwa Khaatumaysan Khaatumo?
5.     Haddaan laba heshiin ama laba isu iman, waa kuma kay u darraan doonta liidashadu?
Qibladu waa mid waana tii rabbi inoo jaheeyay, taladuna waa mid oo waa tii danta guud wax u tarta asaan dan gaar ahayn, sida awgeed fadlan kaan tanaasul rabin yu iman, sidoo kale ka diida danta guud ha loo lahaado go’aan aan walaal iyo inaadeer garab ku siin. Haddii kale Shimbirayahow heesa.

No comments:

Post a Comment