War kasoo baxay gudiga sare ee
Xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ee magacooda loosoo gaabiyo “OHCHR”
in dowlada Soomaaliya ay ansixiya dhawaan sharciyo cabad ku noqonaya
xoriyatul qowlka, waxaana gudiga ay dowlada ka dalbadeen in dib u eegis
lagu sameeyo qodobadii dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirada
Soomaaliya.
Qodobada ay gudiga soo hadal
qaadeen waxaa ka mid ahaa xadidnaan ay sheegeen in lagu xadiday ilaha
wararka ay ka helayaan saxafiyiinta iyo sidoo kale inaan la baahin karin
waxyaabaha ka hor imaanaya dhaqanka Soomaalida.
Waxaan ka dalbaneynaa
masuuliinta Soomaaliya inay dib u eegis ku sameeyaan qodobada si loo
xaqiijiyo si waafaqsan xeerarka xuquuqda aadanaha ee caalamiga iyo
xoriyada hadalka” ayuu uiri afhayen u hadlay gudiga Rupert Colville, oo
saxaafiyiinta kula hadlay magaalada Geneva.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu
sheegay in sharcigan looga dalbanayo inay soo gudbiyaan wariyeyaasha
ilaha ay wararka kasoo xigteen, haddii uu ka yimaado wax muran ah, sidoo
kalena shaqooyinka laga xayirayo wariyaha iyo hay’adda uu u shaqeeyo
inta ay baaritaannadu socdaan.
“Waxaan si aad ah uga xunnahay
qodobbada sharcigan ku jira oo u muuqda kuwo si fudud loogu doonayo in
loogu baabi’iyo xorriyadda saxaafadda dalka iyo xorriyadda hadalka
Soomaaliya.,” ayuu yiri afhayeenka guddiga guud ee xuquuqda aadanaha
Qaramada Midoobay.
“Waxaan rumeysannahay in dib u
eegista sharcigan ay u baahan tahay xilli ku filan oo laba bilood ah ugu
yaraan, si loogu helo wadatashiyada iyo wax ka badalka sharcigan fursad
wanaagsan,” ayuu Colville hadalkiisa ku daray.
Dhanka kale, afhayeenka OHCHR
wuxuu sheegay inay ka walaacsan yihiin arrinta ku saabsan sameynta
Golaha Saxafiyiinta Qaranka, kaasoo loo baahan yahay in xubnihiisu ay
noqdaan kuwo lagu kalsoon yahay isla markaana ah kuwo madax-bannaan.
Ururka midowga suxufiyiinta
caalamka IFJ, xiriirka ururrada shaqaalaha Afrika UTICU-Africa iyo
ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF ayaa horay walaac midkan
la mid ah uga muujiyay sharciga saxaafadda Soomaaliya ee ay soo gudbisay
xukuumadda.
No comments:
Post a Comment