Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo
la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya, maalintiis
halay ayaa wuxuu kala hadlay arimo badan oo dhanka amaanka ah.
Madaxweyne Xasan Sheikh
Maxamuud, ayaa wuxuu sheegay in saraakiisha ciidamda dowlada Soomaaliya
looga baahan yahay inay wax badan ka qabtaan amni darada kusoo
kordhay magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay inaan loo baahenyn
in saraakiisha ay isha ka eegaan waxyaabaha ka dhacaya magaalada
Muqdisho, isaga oo sheegay in loo baahan yahay inay isbedel la
yimaadaan.
“Ma ahan in sarkaalka uu iska
jiifo xaafadiisa dushana uu ka daawado waxa ka dhacaya magaalada, iyaga
ayaa masuul ka ah”ayuu yiri madaxweynaha dalka Xasan Sheikh Maxamuud.
Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhay dilalka iyo qaraxyada.
No comments:
Post a Comment