Saturday, July 20, 2013

Dhakhtar Caan ah oo lagu Khaarijiyay Duleedka Magaalladda Muqdisho

Wararka laga helaayo duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Kooxo Bastoolado ku hubaysan ay Habeennimadii Xalay Duleedka Magaalada Muqdisho ku dilay mid kamid ah Dhakhaatiirta Isbitaalka Al-Hayat ee ku yaalla Duleedka Magaalladda Muqdisho.
Dhakhtarka ay Kooxda Hubeysan Toogteen ayaa waxaa lagu magacaaba Dr.Cusmaan C/raxmaan Fiqi oo kamid ahaa dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Hayat ee ka howlgala duleedka Magaalada Muqdisho iyadoona aan la garaneynin sababta ka dambeysay Dilkiisa.
Dilka Dhakhtarka ayaa dhacay xilli Dr Cusmaan uu kasoo baxay Salaada Taraawiixda waqtiga Magaalada Muqdisho,waxaana halkaasi kusoo weeraray rag Bastoolado ku hubaysnaa.
Raga falka dilka ah geestay ayaa waxaa tiro ahaan lagu sheegay inay gaarayaan ilaa dhowr ruux,kuwaasi oo watay baskoolado goobta dilka ay ka geysteen ay ka baxsadeen.
Allaha unaxariistee dhaqtarka ayaa wuxuu ka shaqeynaye isbitaalo kala duwan oo ku yaala Magaalada Muqdisho waxaana uu kamid ahaa dadka waxgalka u ah Bulshada Soomaaliyeed.

Umadyahay kala qubanee.
Qaxarkiyo dhibaatada.
Usamaysan Qaxarkaay.
Qori iyo Dab la oogiyo.
Maad iska daysaan Halaaga.
Aynu Hagaagnee...

 

No comments:

Post a Comment