Sunday, July 21, 2013

Aqoon Daro waa u nacab jacaylka (Qiso dhab ah Q.2aad)



Cali maax wuxuu noqday nin aqoon yahan ah oo isagu dadka wax u akhriya hada aynu eegno warqadiisii koowaad ee loosoo qoray.


Sheekadii

jacaylku wuxu ka bilaabmay doon ay ka soo raaceen magalada cadan e wadanka yaman halkaas oo uu cali ku cawiyey cawrala markii danbena doontu la cadilan tay oo uu cali bad baadiyey cawrala markaa waraaqdii ay u soo dirtay oo ugu sheegaysay qofkay tahay iyo jacayalkeedu siduu u bilaabmay waatan ee fiiri iyo gabaydii habeenkaa dhacayey iyo ku way soo qortay.



Warqaddii ay u qortey Cali Maax

Gacaliye Calimaax;

Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane,
Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne,
Dabadeed aan kala Jiidannee, mar ila soo joogso.

Calimaax, waxaad iga guddoontaa salaan kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go’day. Waxaad kaloo iga guddoontaa mahad weyn iyo salaan uurka ka soo baxday. Intaas waxaa ii raaca inaan warqaddan qoriddeeda bilaabay saddex jeer oo haddana saddexdiiba jeexjeexay, ilaa ay ugu dambayntii iga soo go’day inaan illawba ilaw kuu soo diro tan oo ah tii afraad oo jeexjeexiddii ka nabad gashay.

Ka maaggiddaas aan ka maagmaagay warqaaddana, waxaa iigu wacan welwel iyo walaac iyo waxaani garaflwaay oo ila soo dersey ilaa maalintii aragtideennu kow isu ahayd, ee ishaydu kugu dhacday laabtayduna ku raacday, oo ay isla mar ahaantii nafsaddaydu ku doontay.

Haddaba, ugu horrayntii waxaan jeclahay inaan kaa is xusuusiyo waa intaasoo aad i illawsantahaye inaan ahay gabartaad huuriga ka soo wada raacdeen dekedda Cadmeed oo markii doonnida lasoo koraayey aad gacanteed midig ku taageertay taada midig, dabadeedna doonnida soo wada raacdeen.

Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay,
Waxaan ahay middaad caawintood, cudud ku taageertay,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.

Waxaan ahay mid habeenkii kowaad oo ay doonnidu gutiraha ahayd dhegaysanaysay haasaawahaagii iyo gabayadaadii macaanaa murtidana lahaa, ee adiga iyo odaygii Nuur Ciise la lahaa idin dhex maray, khaas ahaanna dheg ulahayd xifaalayntaadii ku saabsanayd habkiyo hannaankay reer miyigu kula dhaqmaan hablahay gursadaan iyo murwooyinkey qabaan.

War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey,

Waxaan ahay codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye

Habeenkii labaad ee baddu kacday oo roobkii mahiiggaanka ahaa ee onkodka, hillaaca, iyo hanqarka badnaa da? ay doonnidiina degtay, waxaan ahay tii kuu baaqday oo aad gacaan qabatay iyadoo baaxaa degaysa dhawr jeerna hafatay.

Baddoo cartay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa,
Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaa ye,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,

Waxaan ahay mid abaal iyo mahad weyn oo aan la koobi karayn uurka iyo laabta kuugu haysa, biimahaad ka badbaadisay adoo dusha ku sidey muddo aan toddoba iyo toban saacadood ka yarayn, aadanna ka daalin sidneedkeedii ilaa aad berriga nabadgeliyo keentay inkastoo hambabarooyinkii iyo libaaxi badeed ma sigeen dhowr jeer.





No comments:

Post a Comment