Monday, July 22, 2013

Maamulka Somaliland oo Cadaadis xoogan ku haya gaadiidlayda laascaanood

Gaadiidleyda u kala gooshta Magaalooyinka Hargaysa iyo Laascaanood ayaa maanta sameeyay Mudoharaad balaadhan oo ay kaga cabanayaan kastamka Deegaanka Beer ee duleedka Magaalada Burco oo ay ku eedeeyeen in ay ka qaadaan canshuur dheeraad ah isla markaana aysan ixtiraamin waraaqaha canshuurta ee Kastamka gobolka sool.
Gaadiidleydan ayaa socod ku maray gudaha Magaalada laascaanood iyagoona cabashadooda la tegay Xarunta wasaarada Maaliyada iyo sidoo kale Kastamka waxaana qaar ka mid ah gaadiidleydaasi oo ka hadlay xaalada cusub ee lasoo deristay Gaadiidleydaasi ka hadlay qaar ka mid ah darawalada baabuurta oo sheegay in aysan aqbalayn dhaqan cusub oo ay sheegeen in ay lasoo baxeen kastamka Deegaanka Beer ee Gobolka Togdheer.
Si kastaba gaadiidleydan ayaa maanta si rasmi ah u shaqojoojin u sameeyay kadib dhibaatooyin dhanka cashuuraadka ah oo ay sheegeen in ay kasoo wajaheen kastamka Deegaanka beer.

Mustafe M. Duulane
 

GABAR CADAAN AH UU DHAQTAR U SOO QORAY XIJAAB (DAAWO)

Gabadhan lagu magacaabo Ennis Queen, waa 40 sano Jir waa Gabar reer Manchester ayaa waxa haleelay Xanuunka loo yaqaan Cun cunka amaallergicwaxa ay haatan tahay mid ku qasban inay xirato xiliyada ay banaanka adeyso inay xijaabato si ay uga nabad gasho Qoraxda oo ah mida ay cudurka ka qaaday waa sida uu dhaqtarku iyada u sheegay.

Sheekadan oo ah mid aad usoo jiidatay indhaheyga ayaa waxaa boga hore ku qoray mid kamida Wargeysyada Ingriiska kaa oo lagu magacaabo Dailymail iyadoo warbixintan ay ka sheekeyneyso Gabar udhalatay wadanka Ingriiska isla markaana ah Gabar Heysata Diinta Kristanka ay qasab ku noqotay inay Xijaabato kadib markii dhakhtarkeedu u sheegay in Caafimaadkeedu uu ku jiro inay xijaabato sida Gabdhaha Muslimaadka ah.

Ugu Danbayntii Arintan oo arin si aad ah kuu farxad galineysa marka aad si qoto dheer u eegto waxana ay cadeyneysaa In Diinta Islaamku tahay mid wax waliba oo maanta caalamku baaritaano ku soo saaraan uu hore Qur’aanka Kariimka ah uga hadlay, waxana ayaan daro ah in Gabar Heysatada Diinta Kristanka ay Xijaabato halka Gabdho ku dhashay Diinta Islaamkana ay Jirkooda Qaawinayaan.

Sunday, July 21, 2013

Aqoon Daro waa u nacab jacaylka (Qiso dhab ah Q.2aad)



Cali maax wuxuu noqday nin aqoon yahan ah oo isagu dadka wax u akhriya hada aynu eegno warqadiisii koowaad ee loosoo qoray.


Sheekadii

jacaylku wuxu ka bilaabmay doon ay ka soo raaceen magalada cadan e wadanka yaman halkaas oo uu cali ku cawiyey cawrala markii danbena doontu la cadilan tay oo uu cali bad baadiyey cawrala markaa waraaqdii ay u soo dirtay oo ugu sheegaysay qofkay tahay iyo jacayalkeedu siduu u bilaabmay waatan ee fiiri iyo gabaydii habeenkaa dhacayey iyo ku way soo qortay.



Warqaddii ay u qortey Cali Maax

Gacaliye Calimaax;

Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane,
Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne,
Dabadeed aan kala Jiidannee, mar ila soo joogso.

Calimaax, waxaad iga guddoontaa salaan kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go’day. Waxaad kaloo iga guddoontaa mahad weyn iyo salaan uurka ka soo baxday. Intaas waxaa ii raaca inaan warqaddan qoriddeeda bilaabay saddex jeer oo haddana saddexdiiba jeexjeexay, ilaa ay ugu dambayntii iga soo go’day inaan illawba ilaw kuu soo diro tan oo ah tii afraad oo jeexjeexiddii ka nabad gashay.

Ka maaggiddaas aan ka maagmaagay warqaaddana, waxaa iigu wacan welwel iyo walaac iyo waxaani garaflwaay oo ila soo dersey ilaa maalintii aragtideennu kow isu ahayd, ee ishaydu kugu dhacday laabtayduna ku raacday, oo ay isla mar ahaantii nafsaddaydu ku doontay.

Haddaba, ugu horrayntii waxaan jeclahay inaan kaa is xusuusiyo waa intaasoo aad i illawsantahaye inaan ahay gabartaad huuriga ka soo wada raacdeen dekedda Cadmeed oo markii doonnida lasoo koraayey aad gacanteed midig ku taageertay taada midig, dabadeedna doonnida soo wada raacdeen.

Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay,
Waxaan ahay middaad caawintood, cudud ku taageertay,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.

Waxaan ahay mid habeenkii kowaad oo ay doonnidu gutiraha ahayd dhegaysanaysay haasaawahaagii iyo gabayadaadii macaanaa murtidana lahaa, ee adiga iyo odaygii Nuur Ciise la lahaa idin dhex maray, khaas ahaanna dheg ulahayd xifaalayntaadii ku saabsanayd habkiyo hannaankay reer miyigu kula dhaqmaan hablahay gursadaan iyo murwooyinkey qabaan.

War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey,

Waxaan ahay codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye

Habeenkii labaad ee baddu kacday oo roobkii mahiiggaanka ahaa ee onkodka, hillaaca, iyo hanqarka badnaa da? ay doonnidiina degtay, waxaan ahay tii kuu baaqday oo aad gacaan qabatay iyadoo baaxaa degaysa dhawr jeerna hafatay.

Baddoo cartay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa,
Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaa ye,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,

Waxaan ahay mid abaal iyo mahad weyn oo aan la koobi karayn uurka iyo laabta kuugu haysa, biimahaad ka badbaadisay adoo dusha ku sidey muddo aan toddoba iyo toban saacadood ka yarayn, aadanna ka daalin sidneedkeedii ilaa aad berriga nabadgeliyo keentay inkastoo hambabarooyinkii iyo libaaxi badeed ma sigeen dhowr jeer.





Wararka Taleex iyo Meesha ay arini marayso,{Warbixin}.

Waxaa dhawaalahan socday qorshe Qabanqaabo shir lagu qabanayo Magaaladda Madaxda Taleex ,Shir waynaha ayaa loogu talo galay in lagu dhiso Maamulkii rasmigga ah oo xilka kala wareeggi lahaa Maamulka hadda ka jira Degaanadda Khaatumo kaas oo uu Waqtiggiisu gabaabsi yahay.
Waxaana Siddaas laga Sheegay Shir ah dhinaca qadka Telefoonadda (Teleconferece) oo ay ka soo qayb galeen qayb galeen Dad badan oo ka mid ah Qurbo joogta Reer Khaatumo Ee suggan Dibadda.
Maamulkan ayaa Waxaa sidda lagu wado yeelan doona Baarlamaan, Dastuur, Wasiiro iyo Hal Madaxwayne,sidda ay sheegeen Qubaradda qaban qaabinaysa Shirkan.
Maamulkan ayaa Waxaa Siddaas oo kale noqon doonaa Maamul Koobaan oo tayo leh oo ahna ( Cost Effective) oo uu qarashkiisu yar yahay.
Shirkan ayaa Waxaa ka hadlay Guddigga Fulinta Degaanadda Khaatumo(G11), Golaha Madaxtooyadda/ Seddex Madaxwayne Ee Degaanadda Khaatumo, kuwaas oo aad u soo dhawaayey Shirkan Maamul Samaynta Degaanadda Khaatumo, Waxayna Sheegeen in Diyaar u yihiin in ay Qayb qaataan Qaban qaabadda Shirkaas,Siddaas oo kalana Diyaar u ah Ciddii la soo doorto in ay ku Wareejiyaan Maamulkan.
Madaxda Guddigga Fulinta Ee loo yaqaan G11 ayaa Waxaa aad ugu hadli hadleen Xilliggan Sidda ay laga maarmaan u tahay in Wixii la bilaabay Ee ahaa Maamulka Khaatumo in Meel la gaarsiiyo ay Waajib ina wada Saaran tahay,Waxayna Sheegeen Mudadii uu dhisnaa Maamulka in wax badan Xagga Siyaasadda iyo Arimaha Dibadda uga qabsoomeen Balse howl badan ay wali ka dhiman tahay.
Xildhibaan’ Professor Cali Khaalif ayaa aad uga digay ” in Dadka Reer Khaatumo ay ku noqdaan wixii laga soo gudbay iyo Kala qaybsanaan kuna dhiiri galiyay in Shirkaas laga soo qayb galo, Wadankiina sidda ugu dhaqsaha badan loo soo galo”.
Dhaliisha Siyaasadda.
Jaaliyadda iyo Muwaadhiniinta Reer Khaatumo Oo ah kuwa taageera Maamulka ayaa Waxay aad u dhaliilsan yihiin Wixii Maamulka intuu jiray u qabsoomay, Waxayna ka dalbadeen in Maamulka Khaatumo Ulajeedadii loo dhistay ahayd in uu gacanta ku soo celiyo Degaanadda Maamulka Khaatumo balse Maamulku uu ku guul daraystay arintaas,waxayna uga digeen in Madaxda iyo Siyaasiyiinta Khaatumo ayyan ku Mashquulin Siyaasadda oo loo soo wada jeesto Siddii Wadanka Gacanta looggu dhigi lahaa
Dhinaca kale”
Maamulka Siilaanyo ayaa Wuxuu ku soo qaaday Degaanka weerar Siyaasadeed iyo Dagaal Maskaxeed ay ku kala qaybinayaan Cududa iyo Midnimadda Dadka Degaanka iyagoo adeegsanaya Horgalayaasha.
Xirsi Gaab oo ah Ninka Siilaanyo Dilaalka ugu ah Degaanadda Khaatumo ayaa wuxuu ku caanbaxay Laaluushkaa Horgalayaasha.
Sidda ay Sheegayaan Wararka ku dhow-dhow Xirsi Gaab ayaa Sheegaya in uu ka shaqeeyo in uu Dilaalo Horgalayaasha ka dibna ka dhiga in Maamulka Khaatumo lagu kala tagay siddaas uu isleeyahay Waxay wiiqaysaa Awoodda dadka Maamulka Khaatumo ama jahawareer iyo Ceebayn ku keenni kartaa Siyaasadda iyo Sumcadda Dadka iyo Degaanka.
Xirsi Gaab ayaa dhawaan Wakiil raacsan Siyaasadda gooni-goosadda oo kana soo jeedda Degaanka Gobolka Sanaag u balan qaaday 50,000 oo Doller oo lacag ah Haddii uu la yimaaddo Shan boqol oo Ciidan ah.
Waxaana la sheegay in Dhawaalahan oo dhan Ninkaas in uu Ciidan ka mid ah Beesha uu ka soo jeeddo ka qoranaya
Degaankaas,Waxuuna ku Wareejiyay Ciidankaas Jabhadda Somaliland.
Xirsi Gaab iyo Horgale in Uur-beyte ayaa Waxay Saxaafadda Isagga been fureen in Ciidankan uu Wada yahay Ciidan ka soo goostay Khaatumo, Walow Qaar ka mid ah la Sheegey in u Soo Gurmadeen Dagaalkii Xudun.


Arintan Waxaa dhaleeceeyay Madaxwayne Karaash oo ku sheegey in aan laga hadhi doono labo baabuur oo uu sheegay in lagala baxdasaday oo ay la baxsatay Beesha uu ka soo jeeddo Horgale In Uur bayte.
Madaxda Khaatumo ayaa aad si kulal uga hadashay arintan iyaggoo sheegay in arintan si deg deg ah wax loogga qaban doono.

Madaxweynaha dalka oo Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada La kulmay

Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya, maalintiis halay ayaa wuxuu kala hadlay arimo badan oo dhanka amaanka ah.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wuxuu sheegay in saraakiisha ciidamda dowlada Soomaaliya looga baahan yahay inay wax badan ka qabtaan amni darada kusoo kordhay magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay inaan loo baahenyn in saraakiisha ay isha ka eegaan waxyaabaha ka dhacaya magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in loo baahan yahay inay isbedel la yimaadaan.
“Ma ahan in sarkaalka uu iska jiifo xaafadiisa dushana uu ka daawado waxa ka dhacaya magaalada, iyaga ayaa masuul ka ah”ayuu yiri madaxweynaha dalka Xasan Sheikh Maxamuud.
Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhay dilalka iyo qaraxyada.



 

Saturday, July 20, 2013

Aqoon Daro waa u nacab jacaylka (Qiso dhab ah Q.1aad)


Wacan oo wanaagsan dhamaan tiin waxaan idinku soo dhawaynayaa Jacaylkii dhex maray cawrala iyo calimaax sheekadan waxaa qoray alla ha u naxariistee qoraagii weynaa ee Faarax Maxamed Jaamac Cawl (Faarax Cadde). Buuga ay sheekadan ku qorayd waxaa la oran jiray ‘Aqoon daro waa u nacab jacayl’, ama isagoo ingiriisi ah (Ignorance is the Enemy of Love) sheekadan waxay ka mid tahay sheekooyinka jacayalka ee ugu waa weyn ee ka dhacay geyiga somalida aad iyo aadkana u caan baxay.

Calimaax wuxuu u dhashay gobolka Sanaag Gaar ahaan Lasqoray, Cawarala Bulxan oo ah gabadhii jeclaatay ninkan waxay iyana u dhalatay Gobolka Sanaag gaar ahaan dhanka galbeedka sida magaloyinka Xiis iyo Maydh oo ku yaal, xeebaha ka shisheeya Laasqoray sheekadan sidaan ku maqalay waxay xiiso u sii yeelatay oo uga fiicanatay kuwii kale ee jacaylka ahaa ee ka dhacay geyiga somalida Calimaax markay gabadhu jecalaatay wuxuu lahaa xaas iyo caruur markaa sidaan sheekada ku maqlay Calimaax waxba ma akhriyi jirin waxna ma qori jirin markaa gabadhan markay jecalaatay waraaqdii ugu horaysay ee ay u so dirto oo aan hoos idiin ku soo qori doono siday u soo qortay, baa la yiri Cali ayaa loo keenay oo waxaan filayaa waraaqduna in ay ku qorayd carabi, oo waagaas ma jirin luuqadan somaliga ah ee qoraalka ah, Carabi iyo Ingiriisi baa wax lagu qori jiray.

Waraaqdii markii loo keenay buu Cali garanwaayey waxa ku qoran iyo meel ay ka timid markaa wuxuu u la tegay sodogii oo uu gabadhiisa qabo oo yiri xaaji bal waraaqdan ii akhri, markaa buu wadaadkii firiyey mise yaa Rabi! ninka kabadha ka qaba gabadhbaa u dhimanaysa oo jecel, markaa wuu ka xishooday in uu u sheego waxa ku qoran waraaqda wuxuu yiri Cali: ‘walaahi ma garanaayo fartane bal waxaad u geysaa hebel’ oo ah wiil uu dhalay isagaa igaga fiican qoralkane wayahay buu yiri, makaa weli cali ma fahmin waxaa laysugu riix riixayo wiilkii buu u tegay wuxuu yiri ii khri waraaqdan wiilkii baa ka qaday wuu akhriyey markaas buu arkay wixii odaygu arkay oo kale wuxuu ku yiri Cali ‘waraaqda cid kale ma tustay?’ haa buu yiri oo aabahaa baan soo tusay wuxuuna i yiri ‘waxa meesha ku qoran ma fahmayee adiga u gay’ markaas buu yiri wax meesha ku qora waa sidatan ’gabadh kujecel baa ku soo dirtay’. Calimaax maalintaa wixii ka danbeeyey wuxuu go aan ku gaaray in aanu dib oo dabadeed qof waraaq ii khiri ku oran ee uu isagu akhristo wuxuuna bilaabay iskuul markii danbena isagaa noqoday nin aqoon leh hadaba aan sheekadii bilowno.



Lasoco Qaybta 2aad


Mustafe M. Duulane 




Qaramada Midoobay oo ka walaacsan xeer dhawaan ay ansixiyen golaha wasiirada

War kasoo baxay gudiga sare ee Xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ee magacooda loosoo gaabiyo “OHCHR” in dowlada Soomaaliya ay ansixiya dhawaan sharciyo cabad ku noqonaya xoriyatul qowlka, waxaana gudiga ay dowlada ka dalbadeen in dib u eegis lagu sameeyo qodobadii dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya.
Qodobada ay gudiga soo hadal qaadeen waxaa ka mid ahaa xadidnaan ay sheegeen in lagu xadiday ilaha wararka ay ka helayaan saxafiyiinta iyo sidoo kale inaan la baahin karin waxyaabaha ka hor imaanaya dhaqanka Soomaalida.
Waxaan ka dalbaneynaa masuuliinta Soomaaliya inay dib u eegis ku sameeyaan qodobada si loo xaqiijiyo si waafaqsan xeerarka xuquuqda aadanaha ee caalamiga iyo xoriyada hadalka” ayuu uiri afhayen u hadlay gudiga Rupert Colville, oo saxaafiyiinta kula hadlay magaalada Geneva.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in sharcigan looga dalbanayo inay soo gudbiyaan wariyeyaasha ilaha ay wararka kasoo xigteen, haddii uu ka yimaado wax muran ah, sidoo kalena shaqooyinka laga xayirayo wariyaha iyo hay’adda uu u shaqeeyo inta ay baaritaannadu socdaan.
“Waxaan si aad ah uga xunnahay qodobbada sharcigan ku jira oo u muuqda kuwo si fudud loogu doonayo in loogu baabi’iyo xorriyadda saxaafadda dalka iyo xorriyadda hadalka Soomaaliya.,” ayuu yiri afhayeenka guddiga guud ee xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay.
“Waxaan rumeysannahay in dib u eegista sharcigan ay u baahan tahay xilli ku filan oo laba bilood ah ugu yaraan, si loogu helo wadatashiyada iyo wax ka badalka sharcigan fursad wanaagsan,” ayuu Colville hadalkiisa ku daray.
Dhanka kale, afhayeenka OHCHR wuxuu sheegay inay ka walaacsan yihiin arrinta ku saabsan sameynta Golaha Saxafiyiinta Qaranka, kaasoo loo baahan yahay in xubnihiisu ay noqdaan kuwo lagu kalsoon yahay isla markaana ah kuwo madax-bannaan.
Ururka midowga suxufiyiinta caalamka IFJ, xiriirka ururrada shaqaalaha Afrika UTICU-Africa iyo ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF ayaa horay walaac midkan la mid ah uga muujiyay sharciga saxaafadda Soomaaliya ee ay soo gudbisay xukuumadda.